Dowladda Masar oo ogolaatay in ay tababarto ciidamada Boliska iyo kuwa Badda ee dowladda KMG ee Soomaaliya.


 
Wakiilka Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Dowlada Masar Muna Cumar ayaa sheegtay in dalkeedu uu ogolaaday  codsi kaga yimid dowladda Soomaaliya oo ah inay qayb ka qaataan tababarka ciidamada ammaanka iyo kuwa badda si ay u la dagalamaan Burcad Badeedka.
 
   Mina Cumar ayaa saxaafadda u sheegtay in dowladda  uu hogaamiyo madaxweyne Sheekh Shariif ay dowlada Masar ku taageereyso xoojinta awooda ciidamada dowladda KMG si nabad ugu soo celiyaan ummadda Soomaaliyeed. 
 Sarkaaladda Mina Cumar ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Masar ay tababari doonto tiro garayo ilaa 1000  askari oo isugu jira ciidamada Ilaalada Xeebaha  iyo kuwa Booliska dowladda KMG taasoo qeyb ka ah caawinaad ay  dowlada Masar ay ku taageereyso xoojinta awoodda ciidamada dowladda KMG.
Waxa kale oo ay sheegatay  inta ay ka kaaftoomayaan ciidamada AMISOM  ee jooga gudaha Soomaaliya waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya uu weydiistay Dowladda Masar in lagu taageero sidii loo soo kordhin lahaa loona  gaarsiin lahaa ilaa 8000 ciidamada nabad ilaalinta AMISOM .
 Sarkaaladdu waxay ugu dambeyn sheegtay in dalkeeda ay ka go'an tahay inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Dowladda Soomaaliya guud ahaan.

2009217633704502606279452dalxaS.jpg Arrintani waxay timid iyadoo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Barlamanka KMG ee Soomaaliya Prof.Max'ed Cumar Dalxa uu si weyn u dhaliilay mowqifka Carabta ee ku aadan wax ka qabashada xaalada dalka Soomaaliya.
Pro. Dalxa oo ka  hadlay  siminaar mudanayaal ka tirsan Barlamanka KMG ee Soomaaliya loogu qabtay Magaalada Jabuuti ee xarunta wadanka Jabuuti waxa uu  sheegay in Soomaalida wax badan ay ka barteen tijaabooyinkii qaraaraa ee soo maray intii lagu guda jiray dagaalada Sokeeye taasoo uu qiray in lagu kala bartay Saaxiibka dhabta ah iyo midka afka ka sheeganaya walaaltinimada iyo saaxiibtinimada.
 
Pro.Dhalxa waxa uu kusoo gunaanaday hadalkiisa in shacabka Soomaaliyeed ee carabta  muslimka ah ay ka mudan yihiin Dowladaha carabta iyo kuwa Muslimka ahba, in ay il naxariis leh kusoo eegaaan  oo si degdeg ah ay taageerow dhab ah ay lasoo garab joogsadaan si loo af jaro dagaalka aan dhammaadka laheyn ee naf iyo maalba ay ku waayeen .
 

Add New Comment