Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Taliska Ciidanka Daraawiishta, khudbad-na u jeediyay Ciidamo (SAWIRO)



 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ay wehliyaan Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka Gaashaandhigga C/xakiin Xaaji Maxamed Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdishakuur Sh. Xasan Faarax ayaa booqday Taliska Ciidanka Daraawiishta oo xarun u ah ciidamo lagu soo tababarayay muddo labo sano ah qeybo kala duwan oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisa isugu jira, gaar ahaana Tuulada Carmo ee gobolka Bari.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa halkaasi khudbad ugu jeediyay ciidanka Daraawiishta oo ay tiradoodu dhameyd 500 oo Askari isagoo u sheegay in laga sugayo waajib adag, kaasoo ah xoreynta dalka iyo amni ku soo celinta. “Waqti badan ayaa la idin geliyay, waad soo tababarateen, waajib culus ayaana la idinka sugayaa, dhanka xukuumadeydana wey ku dedaaleysaa sidii aad xuquuqdiina Askarnimo u  heli laheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ku adkeeyey ciidankaasi in aysan waxyeelleyn dadka shacabka ah balse ay gacan qabtaan “Qofka dumarka ah ee waayeelka ah haddii aad aragtaan gacan qabta, oday waayeel ah haddii aad aragtaana sidoo kale gacansiiya, balse ha furanina, haddii kale waxaad noqoneysaan dambiilayaal aan ku camal falin wixii la soo baray”.


Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya ayaa sidoo kale Askartan xasuusiyay in dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin kooxo Soomaali ah oo Nabad iyo dowlad-diid ah kuwaasi oo uu sheegay inay kaashanayaan dagaalyahano Ajnabi ah oo ka soo hayaamay dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Afganistan iyo Jejniya, loogana baahan yahay inay ka saaraan dalka.

Saraakiisha hoggaamisa ciidankaasi Daraawiishta ayaa Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in muddo labo sano ah aaney wax mushaar ah qaadan ayna xukuumada ka rajeynayaan inay si deg deg ah ugu bilowdo mushaar, waxaana Ra’iisul Wasaaraha oo ka jawaabaya arrinkaasi uu u balan qaaday inay helayaan xuquuqdooda.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa salaam sharaf ka qaatay ciidamadii uu soo booqday, isagoo mid mid u gacan qaaday, uguna hambalyeeyey dedaalkooda.









Add New Comment