Ku dhawaad 16-qof oo rayid ah ayaa ku dhimatay duqeyn madaafiic lagu garaacay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir


Xaafadaha ay dadka badan ku dhinteen waxay kala yihiin degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Yaaqshiid, Huriwaa, Boondheere, C/casiis,Kaaraan iyo Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Dadka ugu badan ee madaafiicda wax ku noqday ayaa ku sugnaa suuqa Bakaaraha halkaasoo ay ku dhaceen dhowr madfac oo isdaba-joog ah.

Wararka laga helayo goobaha caafimaadka ayaa sheegaya in duqeeynta ay geysatay dhimashada 16 qof iyo dhaawaca in ka badan 38 qof oo rayid ah sida ay xaqiijiyeen dadka ka shaqeeya goobaha caafimaadka.


Duqeymahan ayaa jawaab u ahaa madaafiic lala beegsaday saldhgiyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho iyo xarumo dowladda ay leedahay, waxaana madaafiicda jawaabta ah laga tuurayay saldhigyada AMISOM.


Add New Comment