Xarrakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin oo sheegatay mas'uuliyadda Qarax Miino oo maanta lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda KMH ah ee Soomaaliya

 Qarax xoogan oo ay ku geeriyoodeen dhowr askar iyo dad shacab ah oo  maanta ka dhacay degmada Xamarjajab ee Magaalada Muqdisho kaasoo lala beegsaday ciidamo halkaasi marayay oo ka tirsanaa Dowladda KMG ah ee Soomaaaliya .
   
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dowladda kaasoo wax ka sheegaayo khasaaraha gaaray askartooda iyo rajidka joogay agagaarka halka uu ka dhacay qaraxa miinada.

sidoo kale afhayeenka kooxda Al Shabaab Cali Max’uud Raage oo maanta la hadlay saxaafada Muqdsho ayaa sheegay qarax aad u culus oo inay ku dileen ciidamo ka tirsan AMISOM oo ay saraakiil ku jiraan Qarax galabta ay ka fuliyeen xarunta Dugsigii hore ee tababarka Xalane oo ah iminka saldhiga ugu weyne ee ciidmada AMISOM ay ku leeyiihiin magaalada Muqdisho .


Dhanka kalana afhayeenka ciidamada midoowka Afrika AMISOM Bariijiya Bahuuku oo ka hadlay hadalka ka so baxay Afhayeenka kooxda Al Shabaab ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid ka soo baxay dad marqaansan.

Waxa kale ee uu afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere cadeeyey in xalay Muqdisho ay soo galeen dagalyahano ka tirsan Al Shabaab kuwaasi uu sheegay in ay diyaar u yahiin in dagaal ay kala hortagaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada KMG ah.



  Si kastaba oo loo dhigo,  Qaraxan ayaa imaanaya iyadoo dowladda KMG ah  iyo xoogagga kasoo horjeeda ay diyaar-garow dagaal ka wadaan Magaalada Muqdisho, taasoo aan la sheegi karin haddii uu dagaalkaasi dhaco halka ay biyo shuban doonto Guusha Gacan ku heynta Magaalada Muqdishu , iyadoo dhan waliba uu ku Goodinaayo in uu isaga ku guulaysan doono dagaalka .
   

Add New Comment