Ciidamada Booliska iyo Milateriga Dowladda KMG oo ku dagaalamay Magaalada Mogdishu

Ciidamo Booliska oo qori ka qaatay Askari milateri ah aya waxa uu keenay dagaal dhimasho iyo dhaawac geestay kaasoo ay iskaga horyimaadeen Ciidamada Booliska iyo Milateriga ee Dowladda KMG ah  duhurnimadii maanta ka dhacay  agagaarka School Polizio ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka labada ciidan dhex maray waxaa la sheegayaa in Afar askari ayaa ku geeriyootay saddex kalena ay ku dhaawacmeen , dagaalkaasi oo ahaa mid daqiiqado dhowr ah socday, hase yeeshee markii dambe waxaa soo kala dhex galay saraakiil ka kala tirsan ciidamada booliska iyo Milateriga.


Dagaalka dhex maray ciidamada booliska iyo milateriga ee Dowladda KMG ah  waxa uu fashil ku keenayaa qorshaha dagaal ee ay wado dowladda  iyo hadaladii maalmihii u dambeeyay ka soo baxayay oo ahaa in ay nidaamisay  wada shaqaynta iyo nabadsugidda ka dhaxaysa ciidamadeeda Dowladda.

Add New Comment