Dayaarado joog hoose ku duulaya oo lagu arkay magaalada Beledweyne


Dadweynaha ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay maanta aad u  hadal haayaan dayaarado aan heybtooda la garan oo ku duulaya joog hoose oo lagu arkay dul heehaabaya hawada magaaladaasi.
 
Dayaaradahan oo si aad ah guuxooda loogaga maqlayo magaalada Beledweyne ayaan si cad loo sheegi karin nooca ay yihiin, hase ahaatee waxaa la qiyaasayaa inay yihiin kuwo wax basaasa oo macluumaad ka uruurinaya goobaha ay ku sugan yihiin xoogagga Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya magaaladaasi, halka dadka qaarna ay leeyihiin waa dayaarado mileteri oo ay leedahay dowladda Ethiopia.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada ayaa waxa laga dareemayaa cabsi ku aaddan dayaaradahan dul wareegaya hawada magaaladooda ee weliba joogga hoose ku duulaya, kuwaasoo ay habeenkiina ka seexan la'yihiin guuxooda.


Add New Comment