Dowladda Wadanka Spain oo ku baaqday in Xaaladda Soomaaliya lagu dajiyo Xal Militari si Soomaaliya aysan hoy ugu noqon wax ay ugu yeertay Argagixiso


Ra’iisul wasaaraha wadanka Spain Jose Luis Sabatero oo ka hadalayay shir madaxeedka Midowga Afrika ee ka soconya magaalda Addis Ababa ee caasimadda waddanka Ethiopia ayaa beesha caalamka ugu baaqay in laga hortago in wadanka Soomaaliya uu hoy u noqda waxa uu ugu yeeray argagixisadda iyo burcad badeeda.

 

Ra’iisul wasaare Jose Luis Zapatero ayaa carabka ku dhiftay in uu ka dharagsanyahay in Soomaaliya ay tahay dal ay dhibaatooyin ay ka jiraan oo Qatar ah.

 

Waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in beesha caalamka awood military ay  u isticmaasho  dalka Soomaaliya si looga hortago in hoy u noqdo waxa uu ugu yeeray argagixisada,kooxha burcad badeed iyo ka ganacsiga daroogada.

 

Qudbada ra’iisal waraaha wadanka Spain uu ka jeediyay shirmadaxeedka ururka midowga Afrika ee haatan ka soconaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa waxa uu diirada ku saaray baahida ku aadan in tilaabo loo qaado sidii loo dajin lahaa islmarkaana amaanka loogu soo celin lahaa dhamaan dalalka ku yaala qaarada Afrika gaar ahaan wadanka Soomaaliya.


Add New Comment