Jaamacadda Carabta iyo waddanka Talyaaniga oo Caalamka ugu baaqay in wax laga qabto dhibaatada soomaaliya


Dowladda Talyaaniga iyo Ururka Jaamacadda Carabta ayaa maanta labaduba Beesha Caalamka ku boorriyey inay si gaar ah u eegaan xaaladda kasii dareysa ee ka jirta waddanka Soomaaliya ee ay dagaalladu ka soo jireen muddada ku dhow 20-ka sano.

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Assayid Camr Muusaa iyo wasiirka Arrimaha Dibedda ee waddanka talyaaniga Franco Frattini ayaa soo saaray qoraal wadajir ah oo Beesha Caalamka ugu baaqayey in fiiro loo yeesho xaaladda waddanka Soomaaliya, laysuna kaashado sidii loo xasilin lahaa dalkaasi.
 

Labada dhinac ee baaqa soo saaray ee Jaamacadda Carabta iyo Talyaaniga ayaa labaduba si cad u sheegay in lasoo gaaray waqtigii si mideysan beesha caalamku isugu taagi lahayd istiraatijiyo mideysan oo wax lagaga qabanayo dhibaatada Soomaaliya, balse aan lagu fiirsan Dowladda KMG ee Soomaaliya keligeed, dhibaatada jirtana ay ka weyntahay awooddeeda.

Labada dhinac ee Carabta iyo Talyaaniga ayaa waxa ay si wada jir ah uga dhawaajiyeen in wax ka qabashada dhibaatada Soomaaliya ay wanaagsan tahay in loo maro 2 waddo oo midda koowaad ay tahay in marka hore la dhiso lana xoojiyo ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya, ayadoo waddada labaad ee loo mari karo xallinta dhibaatad Soomaaliyana ay tahay in la dejiyo qorshe caalami ah oo lagu xaqeejinayo xasilloonida dalka Soomaaliya, taasoo lagaga wada hadli doono shirarka caalamiga ah ee sanadkan qabsoomi doona.

 

Add New Comment