Midowga Afrika oo beesha Caalamka ku eedeeyey inay iska indhatireen xaaladda kasii dareysa ee waddanka Soomaaliya


Madaxdii Afrikaanka ee ka qaybgaleysay shir-madaxeedka Ururka Midowga Afrika ee ka soconayey magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in beesha caalamku iska indhatirayaan qatarta kasoo fool leh waddanda Soomaaliya ee ay dagaalladu aafeeyeen.

Ururka Midowga Afrika ayaa marar fara badan oo hore sidan oo kale beesha caalamka ku eedeeyey iska indhatiridda ay iska indhatirayaan xaaladda ammaan ee ka sii dareysa ee ka jirta waddanka Soomaaliya, ayadoo aanay wax jawaab ah oo ijaabi ahna aysan weli kasoo bixin.

Qaramada Midoobay oo uu magacooda ku hadlayey Xoghayahooda Guud ayaa shalay caddeeyey inaysan waqtigaan diyaar u ahayn in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay loo soo diro dalka Soomaaliya oo ay haatan ku sugan yihiin ilaa iyo 5000 oo askari oo ka socda Midowga Afrika, hase ahaatee waxa uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon sheegay in ururkoodu uu ka fiirsanayo suurtagalnimada ciidamo loo diro Soomaaliya waqtiyada dhow.

Eedeynta Midowga Afrika ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli ay dhowaan ciidamadooda ku sugan magaalada Muqdisho ay sheegeen in qatyaan ka taagan yihiin dagaallada sii kordhaya ee ay kooxaha Islaamiyiinta ah kusoo qaadan fariisimiada ay magaalada ku leeyihiin.


 


Add New Comment