Dowlada Jabuuti ayaa maanta Safaarad ka furatay gudaha magaalada Muqdisho. (sawirro)

 

Dowlada Jabuuti ayaa safaarad cusub ka furatay dhismo aad ugu dhow Villa Somalia halkaasi oo maanta munaasabad balaaran oo madax sare ay ka qeybgaleen ay ka dhacday Safaaradaasi.

Safaaradan oo ah dhismo ay dowlada Jabuuti qarashka dayactirka ku bixisay ayaa waxaa maanta Munaasabad balaaran oo ka dhacday ku furay madax sare oo Dowlada ka mid ah.

Masuuliyiinta ka qeybgashay furitaanka Safaarada ayaa waxaa ka mid ahaa R/wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar, Wasiirka Wasaaradda Dekadaha,Gaadiidka Badda,Cirka iyo dhulka Axmed Cabdiraxman Abaade, Xildhibaanno ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Baarlamankaka mid ah,safiirka Dowladda Yeman u jooga wadanka Soomaaliya Ambassador Axmed Cumar, Safiirka Dowladda Sudan u qaabilsan Soomalaiya Ambassador Faadil Aljasuuli, Wakiilka Ururka Jaamacacdda carabta u jooga wadankan Soomaaliya Ambassador Maxamed Cabdalla Idiris iyo Marti sharaf kale oo lagu casuumay Munaasabada.

Kulanka ka dhacay Villa Somalia ayaa waxaa madaxweynaha uu ku soo dhaweeyay dib u furida Safaarada Dowlada jabuuti ku yeelanayso gudaha Muqdisho.


Xaflada markii ay dhamaatay ka dib ayaa waxaa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Soomaaliya.


Magaalada Muqdisho, oo qayb yar ka maamusho dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa horay safaarado uga furtay dalalka Yemen, Suudaan iyo Ethiopia, iyadoo Jabuuti ay noqnoayso dalkii afaraad oo safaarad ka furta Muqdisho.

Dalal kale oo dhowr ah, ayaa safiirro u magacaabay Soomaaliya, kuwaasoo weli ku shaqeeya dalka Kenya, oo ay Soomaaliya daris yihiin, iyadoo dalka Kenya uu horay isaguna u magacaabay safiirka u fariisan lahaa Soomaaliya.

Ugu dambaystii waxaa Safaarada Jabuuti ee la  furatay magaalada Muqdishu suurtageliyay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Mudane Cumar Geelle dadaalka weyn ee uu mar waliba la garab taagan yahay shacabka  Soomaaliyeed,waxauuna caalamka ka dalbaday in la taageero dowladda Soomaaliya si  Shacabka dibaataysan oo dagaalada iyo barakaca la ildaran   u helaan nidaam iyo kala damnbyn keena  inay dib ugu noqdaan  cabsi la'aan guryahoodii.

Add New Comment