Dowladda Soomaaliya oo u digtay askarta iyo saraakiisha ciidamadeeda iyo baarlamaanka oo taageeray



 Dowladda Soomaaliya, ayaa u digtay askarta iyo saraakiisha ciidammadeeda ka tirsan, iyadoo sheegtay in askarigii la qabto isagoo hub iibsanaya ama dil geysta uu mudan doono dil.

"Askarigii, lagu helo isagoo hubka ay dowladdu siisay iibinaya, ama dil geysta, wuxuu mudan doonaa dil, sidoo kalena sarkaalkii kasoo baxa sabab la'aan aagga uu dagaalka uga jiro, wuxuu mudanayaa dil," ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidammada Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidammada, wuxuu sheegay in askarta iyo saraakiisha ka tirsan ciidammada ee geysta falal dambiyeedyo ay ka mid yihiin dhac, ay mudan doonaan ciqaab adag, isgaoo sheegay inaan xukunkaas loo cuskan-doono diinta Islaamka iyo shuruucda dalka u dagsan.

"Ma jiri doonto in bacmadow (Lacag), laga bixiyo askari dil u geystay askari kale ama qof shacab ah, waxaa lagu fulin doonaan dil," ayuu yiri Muun-gaab, isagoo sidoo kale sheegay in ruuxii ka tirsan xoogagga hubeysan oo lagu soo qabto goob dagaal la dili doono, kii lagu tuhmo inuu ka tirsan yahay oo ay ku cadaatana la marsiin doono ciqaab adag.

Guddiga amaanka Qaranka ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay go'aanka ay maxakmadda ciidammadu gaartay, iyagoo sheegay inuu yahay mid isbadal ku keeni kara anshaxa askarta dowladda.

"Waan soo dhaweynaynaa go'aanka, waxaanse ku talin lahayn in qofka askariga ka iibsanaya hubka isagana ciqaab adag la mariyo, waayo waa dambiile gacan siinaya kooxaha naga soo horjeeda," ayuu yiri xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo guddigaas ka tirsan.

Amarkan, kasoo baxay maxkamadda ciidammada ayaa imaanaya iyadoo shalay lagu toogtay Muqdisho, askari ka tirsan dowladda oo horay dil u geystay askari kale, iyadoo lagu sheegay amarkaan mid lagu soo celinayo anshaxa ciidanka dowladda.

Add New Comment