Askari ka tirsanaa DKMG Soomaaliya oo lagu qasaasay Muqdisho SAWIRRO


Maxkamadda ciidammada qalabka sida ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo dil ku fulisay askari ka tirsanaa ciidamadeeda laguna magacaabi jiray Nuur Axmed Shire, askariga la qasaasay waxa uu si bareer ah u toogtay  askari lagu magacaaabi jiray Shaafici Abshir Cali

Askari wax dilay, iyo midna ay dowladda Soomaaliya qisaastay labaduba waxay ka wada tirsanaayeen  ilaalada gaarka ah ee xildhibaan Maxamed Jaamac Furux,Qilaaf soo kala dhexgalay ayaa keentay in uu dilo Askariga isagoo ku sugan guriga xildhibaanka.

 Maxkamadu  xukunka fulisay waxa ay sheegtay askariga Nuur Axmed Shire inuu yahay gacan ku dhiiglaha dilay Dable Shaafici Abshir Cali iyagoo howl u wada hayay dowladda KMG ah ee Soomaaliya, gacanku dhiigluhu marki  maxkamadda la soo taagay waxuu eedeysanahu  maxkamadda horteeda ka qirtay dambiga uu galay oo ah in uu dilay Askari lagu magacaabi jiray Dable Shaafici Abshir , sidoo kale waxaa maxkamadda horteeda kaga cadeeyey markhaatiyaal goob joog ka ahaa falkaan oo la hor keenay maxkamada.
 


Qisaastani ma aha  markii ugu horreysay oo askari ka tirsan ciidammada dowladda Soomaaliya lagu fuliyo dil ay maxkamad ku xukuntay, waxaase horay dilal noocan oo kale ah lagu  fuliyay askar ka tirsanaa dowladihii kasoo jiray dalka Soomaaliya tannina waxay bilowday iany nidaamka iyo kala dambaynta ay ku jirto in qofkii qof si xaq darro ku dilaa in isagana la dilo taasoo Diinta Islaamkana ay waafaqsan tahay arrintaasi.










Add New Comment