Booliska dalka Kenya oo xirxiray qaar kamid ah Soomaali ku nooleyd Xaafada Islii



 Xalay waxaa uu Booliska dalka Kenya uu raafay Soomaalida ku nooleyd xaafadda Islii, howlgalkaasi waxa uu ka dhacay magaalada Nayroobi xaafadda ay soomaalida ku badan tahay ee Islii dalka Kenya ,wararka ka imaanaya qafaalkaasi ayaa sheegaya in halkaasi lagu qabqabtay boqolaal soomaali ah.

Sida laga soo wariyay dad ku noolaa xaafadda ISLII,waxay sheegeen in korantada laga jaray goobihii ganacsiga ay ku haysteen dadka Soomaalida ee xaafadaasi Islii, marki ay goobihii ganacsiga dibadda kagasoo baxeen  oo ay usoo xireen albaabada , waxay la kulmeen Askarta Nayroobi oo  qab qabanaysa soomaalida oo haddana qaracaysa oo si aan wannaagsanayd ula dhaqmaysa  Soomaalida ku biool dalka Kenya.

Booliska magaalada Nayroobi ma sheegin ujeedada howlgalka qafaalka ay kaga fuliyeen  xaafadda Islii iyo waxa ay u bartilmaamaysanayaan Somaalida ,hasayeeshee,dad xog ogool ah oo laga  wareystay waxay sheegeen in qafaalka Soomaalidu inuu dabasocdo kadib markii maalin hore seddexda Askari oo keenyaati ah siyaabo kala duwan loogu dilay xaafadda ISLII ee magaalada Nayroobi dalka Kenya.

Add New Comment