DKMG Soomaaliya oo beenisay in la iibsaday furihii Internet-ka (.SO)


Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta DKMG Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac ayaa maanta shir jaraa'id uu ku beeniyay warar  sheegaya in shirkad laga leeyahay dalka Japan ay iibsatay furihii (.SO)qadka Internet-ka ee Soomaaliya , wuxuuna sheegay wasiirku  shirkadaasi si ku meel gaar ah inay gacanta ugu hayso Internet-ka Soomaaliya.


Waxaa kaloo ka hadlay arrintaani  Agaasimaha Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Ingineer Axmed Maxamed Aadan (Kitaara) waxuuna  sheegay in xukuumaddii hore ee Sharma/arke ay qandaraas la gashay Shirkad laga leeyahay dalka Japan inta Dowladda Soomaaliya  ay gaarayso awood iyo Tignoolajiga looga baahan yahay howsha internetka , waxaana howshaasi internetka dowladdu KMG ah eesomaaliya ay dad u dirtay magaalada Nairobi ee  dalka kenya  si loogu soo tababaro howsha Internetka.

Jirkaa jaraa'id kadib  wasiirka wafaafinta Soomaaliya C/kariin Xasan Jaamac,waxa uu  ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isagoo kusii jeeda dalka Mareykanka, halkasoo uu magaca Soomaaliya kaga  qaybgalayo shir looga hadlayo Isgaarsiinta caalamka

Add New Comment