Ra'iisul-wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cabdi Farax Shirdoon ‘’Saacid’’ ayaa Sheegay in dowlada
Soomaliya ay diyaarisay qorshihii xasilinta magaalada Kismaayo islamarkana ay
dhawaan gaari doonaan wafdi loogu talagalay inay ka shaqeeyaan howlaha
xasilinteeda.
R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
‘’Saacid’’ ayaa ka hadlay siyaasadda dowladda ee dhinaca amniga iyo arrimo kale,
isagoo sheegay in dhawaan la hirgalin doono dhameystirka agabka ciidammada
Qalabka Sida, isla markaana dib loo howlgalin doono xeryihii ciidammada, si guul
looga gaaro horumarrinta, tayada Ciidammada Qalabka Sida.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare Saacid ayaa hambalyo u diray ciidamada dowladda
Federaalka ee howlgalka ka wada gobollada dalka ee cadowga ka ilaalinaya
shacbiga, waxa uu sidoo bogaadiyay Ciidammada ammaanka dowladda ee magaalada
Kismaayo, dowladda Soomaaliyeedna ay isu diyaarneyso xasilinta magaaladaasi,
wefdi ka socda dowladda Soomaaliyana uu ku sii jeedo si xal kama dambeys ah
looga gaaro halkaasi.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda ayaa aad u amaanay
Culuma’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee dadaalka ku bixiyay ilaalinta iyo
Difaaca dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dhexe ee dalka, sidoo kalena
gobollada dhexa laftigooda ay u diri doonaan wefdi wasiirro ah si ay uga soo
tala bixiyaan sida loo ciribtiri karo kooxaha xagjirnimada ku foggaatay iyo
howlo kale.
Xukuumadda Ra’iisul wasaare Saacid ayaa ku dadaaleysa in ay ku guuleysato
xasilinta amniga, horumarrinta dalka iyo dib u tayeynta ciidammada Qalabka
Sida.