Amiirka Xarrakatul Shabaab oo soo dhaweeyay midowga Xarrakada iyo Xisbul Islaam, kana hadlay shirqoolo


 Amiirka Xarrakatul Shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay midowga Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, isagoo ku timaamay tallaabo horay loo qaaday oo lagu xoojinayo awoodda Mujaahidiinta.

"Midowga Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, waa mid dhabar-jab ku ah cadowga dalka ku sugan, waana mid xoojinaysa dagaallada lagula jiro AMISOM iyo dowladda Soomaaliya," ayuu Sheekh Abuu-Zubeyr ku sheegay cajalad maqal ahayd oo uu soo gaarsiiyay saxaafadda Muqdisho.

Hoggaamiyaha Xarrakadu, wuxuu sheegay in guusha ay haystaan ay ku fara-adaygi doonaan, ayna ka hortagayaan cid walba oo doonaysa inay xagal-daaciso, isagoo tixo gabayo ah ku cabiray guusha iyo dhiigga ku daatay, kuna boorriyay xoogagga Xarrakatul Shabaab inay midnimadooda xoojiyaan.

"Mujaahidiintu, waa inay xarigga Alle ku dhaganaadaan, ayna raacaan dariiqii toosnaa ee Nebi Muxamed (NNKH), si midnimadooda iyo iskaashigoodu u noqdo mid barko ay ku jirto," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar Abuu-Zubeyr.

Sidoo kale, Sheekh Mukhtaar, wuxuu sheegay inay jiraan shirqoollo ka dhan ah Xarrakatul Shabaab oo lagu abaabulayo dalka Jabuuti, isagoo xusay in dhammaan Soomaalida laga doonayo inay ka hortagaan, gaar ahaan aqoonyahanka iyo waxgaradka.

"Waxaa ka socda dalka Jabuuti, qorshayaal lagu doonayo in lagu baabi'iyo guusha ay gaareen Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo ay wadaan dalal shisheeye, waxaana kula dardaarmayaa mujaahidiintu inay u baabac-dhigaan qorshayaashaas," ayuu yiri Sheekh Mukhtaar.

Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, ayaa dhawaan midoobay, iyadoo ay soo dhaweeyeen dhammaan saraakiisha labada dhinac, waxaaan midowgan uu ka dhigayaa Xarrakatul Shabaab kooxda keliya ee dagaalka kula jirta dowladda iyo AMISOM.

"Waxaa, sidoo kale dalka ka socda shirqoollo ay horumuud u yihiin shirkado shisheeye oo ay ku doonayaan inay dih ugu soo nooleeyaan hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho, iyagoo adeegsanaya shaqsiyaad nuuni-qaatayaal ah," ayuu yiri Sheekh Abuu-Zubeyr.

Ugu dambeyn, Sheekh Mukhtaar wuxuu fariintiisa maqalka ah kaga hadlay abaaraha dalka ka jira, isagoo ugu baaqay walaayaadka ka taliya gobollada ay Xarrakadu maamusho inay howshooda oo dhan ku jaheeyaan sidii ay dadka u kaalmeyn lahaayeen.

Ganacsatada, ayuu ugu baaqay inay dadka ay abaaruhu waxyeellada u geysteen kaalmeeyaan, isagoo sheegay in xilligan ay tahay xilliga ugu wanaagsan ee la bixiyo saqada, ayna dadka dhibaateysan u tahay faa'iido.

Add New Comment