R/wasaaraha Soomaaliya oo sheegay in xukuumaddiisu aysan wax heshiis ahla gelin shirkado shisheeye


           xildhibbaano1.jpg

Shir uu guddoominaayey Ku simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa maanta uu yeeshay Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya kaaso ajandahiisu ahaa in su'aalo lagu weydiiyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo

 Mooshinka loogu yeeray Ra'iisul wasaaraha inuu jawaab ka bixiyo baarlamaanka hortiisa, waxaa soo xaadiray 290-mudane su'aalaha waxaa  akhriyay xildhibaan Cumar Islow Maxamed, isagoo ka codsaday ra'iiisul wasaaraha inuu ka bixiyo jawaab heshiisyada ay xukuumaddu la gashay shirkadaha shisheeye.


Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo ka jawaabayay su'aalahaas ayaa ugu horeyn sheegay in shirkadaha heshiiska lala galay aanay dhammeyn ilaa  5 shirkadooda, wuxuuna cadeeyay in uu hayo warqad uu Ra'iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid uu u qoray Shirkada Sarecen International taasoo  xukuumadii hore ay la gashay heshiis.
 
Mudane Cumar Islow, ayaa ka cosaday Ra'iisul wasaaraha inuu baarlamaanka u soo gudbiyo dukumiintiga heshiiska lagula galay shirkadda Saracen International iyo cidda heshiiskaas u saxiixday dhinaca dowladda Soomaaliya.

Xildhibaannada baarlamaanka, ayaa bilaaway inay la xisaabtamaan xukuumadda cusub ee Farmaajo, iyadoo shalay cod aqlibiyad ah lagu ansixiyey  miisaaniyadda xukuumadda ee sannadka 2011 waxaa aqbalay 281-mudane oo ka mid ahaa 286-xildhibaan oo kulankii baarlamaanka soo xaadiray.

Add New Comment