Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2011


Xildhibaannada Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho ku ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2011 ee ay dhowaanta ay gudbisay xukuumadda ra'iisul-wasaare Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulankii maanta waxaa kasoo qaybgalay xildhibaanno tiradooda lagu sheegay 286, kuwaasoo 281 xubnood oo ka mid ah ay u codeeyeen ansixinta miisaaniyadda dowladda, halka 4 mudane ay diidday 1 xildhibaanna uu ka aamusay.

Ansixinta miisaaniyadda dowladda ayaa ku soo beegantay xilli ay dowladdu abaabuleyso dagaallo ay la gasho xoogagga kasoo horjeeda oo ay sheegtay in muddo 100 maalmood ah uga sifeyn doonto magaalada Muqdisho iyo qybo kale oo ka tirsan dalka.


Add New Comment