Iraan oo caalamka tusi karta caddeymo ku saabsan dalalka faragelinta ku haya dalka Soomaaliya




Seyyed Morteza Bakhtiari oo ah Wasiirka cadaaladda ee dalka Iran,ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in khibradda wanaagsan ee laga helay nidaamka cadaaladda ee dalka Iran ee ku salaysan aqoonta Islaamka  loo gudbiyo dalka Soomaaliya si gacan looga siiyo in Soomaaliya ay u babac dhigto khuwadaha isla wayn ee faragalinta ba'an ku haya dalkaasi.

Bogga internet-ka muxaafidka ah ee gaarka loo leeyahay Fars News Agency ayaa waxa uu qoray
Wasiirka cadaaladda ee dalka Iran, Seyyed Morteza Bakhtiari  in Iran ay document ku filan oo lagu kalsoonaan karo iyo cadaynba ay ka hayso dalal gaar ah oo faragalin ku haya Soomaaliya, taasoo loo gudbin karo caalamka.
 

Mudane Cali Larajaani iyo wasiirka cadaaladda Sayid Morteza Bakhtiyari, ayaa hadalkani ay sheegeen kulammo ay si gooni-gooni ah ay la qaateen wafdi uu hoggaaminayo afhayeenka baarlmaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqasho ku jooga dalkaas.



Wuxuu intaa ku daray, in dalka Iiraan uu diyaar u yahay Saraakiisha Soomaaliya inay baraan casharro la xiriira sidii ay isaga caabin lahaayeen faragelinta quwaddaha islaweyne ee adduunka, isagoo xusay in dalka iyo dowladda Iraan ay si xoog leh uga soo horjeedaan cadaadiska iyo caburinta lagu hayo dalka Soomaaliya, dadaal ay uga soo jiraan sidii looga horjoogsan lahaa  caburinta ummadaha la caburiyo ee adduunka.

Waxaa warku intaasi uu raaciyay in madaxwaynaha Iran Maxamuud Axmed Najad uu horay ugu eedeeyay khuwadaha gumaysidoonka ah iyo dhowr dal oo Islaam ah in ay ka dambeeyaan amni darida iyo xasilooni la'aanta ka jirta dalal dhowr ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay .

Sida ay qortay wakaaladda wararka Fars in Dowladda Iran ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii kordhinaysay xiriirka iyo iskaashiga ay la yeelanayso dalalka Afrika, iyadoo khibrad iyo houmarka Tignoolajiyadaba u gudbisay dhowr dal oo Afrikaan ah si baahidda ayan u hoos geynin dalaka adoonsi-doonka ah oo ka faa'ideysta baahidda shacabka dalalka soo korayo.





Add New Comment