Uganda oo sheegtay inay ciidamo hor leh oo gaaraya 1800 askari u soo direyso magaalada Muqdisho


Dowladda Uganda ayaa sheegtay inay maalmaha soo socda ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 1800 oo askari u soo direyso Soomaaliya si ay uga mid noqdaan ciidamada Ururka Midowga Afrika ee AMISOM ee haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Ciidamada Uganda u soo direyso Soomaaliya ayaa waxa lagu diyaariyey xiro ku taalla dalkaasi oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey tababarro ku siinayeen saraakiil ka tirsan ciidamada waddanka Ingiriiska, xeradaas oo lagu magacaabo Singo.

Taliyaha Ciidamada waddanka Uganda General Katumba Wamala ayaa sheegay in ciidamadani dheeraadka ah ee uu dalkiisu u soo dirayo Soomaaliya loo soo tababaray inay ciidamadooda ku sugan gudaha magaalada Muqdisho ka bar bar dagaallamaan.

Dalka Uganda ayaa hadda ah dalka ay ciidamada ugu faraha badan ka joogaan Soomaaliya ayadoo dalka Burundina yahay dalka labaad ee Uganda ku weheliya howlgallada ciidamada 8000 ah ee Midowga Afrika ee AMISOM ee gacanta siiya ciidamada Dowladda ee dagaalka kula jira xoogagga kasoo horjeeda.


Add New Comment