Xarakatul Shabaab oo la wareegtay gacan-ku-heynta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug


Ciidamo ka tirsan Xarakatul Shabaab  Al-Mujaahidiin ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta magaalada Xarardheere, kaddib markii shalay galabnimadii ay magaalada isaga baxeen ciidamadii Xisbul Islaam ee horey u maamuli jiray degmadaasi.

Intaasi kaddib ayaa waxaa barqanimadii maanta magaalada Xarardheere soo gaaray ciidamo ka tirsan ku Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka sidaasna kula wareegay gacanku-heyntii Xarardheere ayadoo aysan wax iska hr-imaad ah dhicin.

Dhanka kale saraakiil horey uga tirsanaa Ururkii Xisbul Islaam ee Xarakatul Shabaab dhowaanta la midoobay ayaa ayaga oo ku sugan Xarardheere waxa ay sheegeen in ciidamadii Xisbul Islaam ee maalinnimadii shalay isaga baxay magaalada ay qaarkood ku biireen xoogagga Al Shabaab, halka qaarkii kalena ay la baxeen hubkii iyo gaadiidkii dagaal ee ay wateen ayadoon la garaneyn halkii ay qabteen.

Xarardheere ayaa waxa ay noqoneysaa degmadii ugu horreysay ee ka tirsan gobolka Mudug oo ay la wareegaan ciidamada Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, taasoo ku timid ku biiriddii uu Ururkii Xisbul Islaam dhowaantan ku biiray Xarakatul Shabaab.



Add New Comment