Ciidamo ay leedahay Dowladda oo lagu soo tababaray dalka Uganda oo kasoo degay Muqdisho

Warakii ugu dambeeyey ee naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xaqeejinaya inay magaalada soo gaareen ciidamo ay leedahay Dowladda KMG ee Soomaaliya oo ay tiradoodu ku dhowdahay 1000 askari oo tababar kusoo dhammeystay waddanka Uganda.

Ciidamadan ayaa waxa maalinnimadii shalay gegida dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho lagu soo gaarsiiyey 2 dayaaradood oo nooca ciidamada lagu daadgureeyo ah oo ay leeyihiin ciidamada cirka waddanka Uganda, waxaana halkaa kusoo dhoweeyey saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay soo tababartay ciidamo Soomaali ah oo aad u tiro badan oo gaaraya kumanaan tan iyo markii lasoo aasaasay, waxayna marar badan oo hore dowladdu ku celcelisay inay xoog ku maquunin doonto xoogagga dagaalka kula jira ee gacanta ku haaya inta badan gobollada koonfureed ee Soomaaliya.

Xaaladaha ka jira konfurta Soomaaliya ayaa waxa ku yimid isbedello kaddib markii Dowladda Soomaaliya ee uu Ra'iisul-wasaaraha ka yahay mudane Farmaajo ay ka dhawajisay in ay wadato qorshe loogu magac-daray 100-ka oo ay sheegeen inay wax kaga qabanayaan xaaladda ammaan ee waddanka, gaar ahaan magaalada Muqdisho iyo midowgii dhowaanta ay sheegeen saraakaal ka tirsanaa Xisbul Islaam oo ay ku sheegeen inay la midoobeen Xarakatul Shabaab. 

Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad waaweyn ayaa laga dareemayaa dhammaanba aagagga ay isku horfadhiyaan ciidamada Dowladda oo kaashanaya AMISOM iyo Xarakatul Shabaab oo hadda 100% gacanta ku haaya dhammaanba aagaggii dagaalka ee magaalada Muqdisho oo ay horey qaarkood ugu sugnaan jireen ciidamadii Xisbul Islaam ee uu hoggaamin jiray Sheekh Xasan Daahir Aweys.

Haddaba dadka magaalada Muqdisho ayaa waxa ay dhowrayaan natiijada ka soo bixi doonta dagaalka kama dambeysta ah ee ay ku baaqayaan dhinacyaa isku haaya siyaasadda Soomaaliya ee Dowladda, AMISOM, Ahlu Sunnah, Xisbul Islaam garabka Sh. Indhacadde oo isku dhinac ah iyo Xarakatul Shabaab oo dhinaca kale ah, waxayna dadweynuhu mar kasta rajeynayaan inuu guuleysto dhinicii xaqa wada.





Add New Comment