Madaafiic lagu weeraray Madaxtooyada Soomaaliya oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac


 Ugu yaraan afar qof oo shacab ayaa ku dhintay madaafiic maanta lagu weeraray madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen 10-qof oo kale, oo iyaguna ahaa rayid ay madaafiicdu kula dhacady maqaayad ku taalla afaafka Madaxtooyada.

"JUg madaafiic lagu weeraray madaxtooyada ayaan maqalnay, markaan dibada u so baxnayna madaafiic soo gudubtay ayaa ku dhacay maqaayad ku taala afaafka hore ee madaxtooyada, waxaan arkay maydadka afar qof iyo dhaawaca 10-qof oo kale, dhamaan waxay ahaayeen shacab," ayuu HOL u sheegay mid ka mid dadkii halkaas ku sugnaa.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed C/llaahi Cariig, ayaa ku eedeeyay madaafiicdaas xoogagga kasoo horjeeda dowladda, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay madaafiic ku dhacday gudaha Madaxtooyada.

Dhaawacyadii ka dhashay duqeyntan, ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina, iyadoo la sheegay in qaarkood ay yihiin kuwo culus, ayna ku jiraan haween iyo caruur goobta ay madaafiicdu ku dhacday ku sugnaa.

Ma ahan, markii ugu horreysay oo duqeymo khasaare geystay lagu weeraro xarunta madaxtoooyada Soomaaliya, waxaana duqeyntan mid ka horreeyay lagu dilay askar ka tirsan ciidammada AMISOM kana soo jeeda dalka Uganda, halka kuwo kalena lagu dhaawacay.

Xoogagga hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya, ayaa ku sugan goobo aad ugu dhow madaxtooyada, iyagoo halkaas soo tuura madaafiic iyo rasaas khasaare geysta. Iyadoo dowladda Soomaaliyana ay maamusho qaybo yar oo ka tirsan caasimadda.

Add New Comment