Xarakada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo mar kale maanta ku dagaallamay degmada Buur-Hakaba



Dagaallo kale, ayaa maanta ku dhexmaray degmada Buurhakaba ee gobolka Bay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo ururka Xisbul Islaam, kuwaasoo ay ku dhinteen lix qof oo labada dhinac ka tirsan ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.

"Maanta, waxaa degmada Buurhakaba ka dhacay dagaal kale oo u dhexeeyay Xisbul Islaam iyo Xarrakatul Shabaab, markuu dagaalku qaboobay ayaan arkay lix ka mid ah ciidankii uu dagaalku u dhexeeyay oo mayd ah iyo dhaawacyo ay ku jiraan dad rayid ah," ayuu yiri goobjooge magaciisa qariyay oo ku sugan Buurhakaba.

Ganacsiga degmada, ayaa tan iyo shalay gallinkii dambe, xirkaan iyadoo dadku ay weli ku sugan yihiin degmada gurheeda, balse uu dhaqdhaqaaqoodu aad u yar yahay, cabsi laga qabay dagaalka awgiis.

Dagaalka maanta dhacay, oo ahaa mid daba socday dagaal shalay ay degmadaas kula wareegtay Xarrakatul Shabaab, ayaa socday muddo laba saacadood ku dhow, iyadoo xoogagga Xisbul Islaam oo ka yimid gobolka Shabeellada hoose ay laba jaho ka weerareen degmada Buurhakaba, balse looga adkaaday dagaalka.

Buurhakaba, oo ka mid ah degmooyinka gobolka Bay ayna horay uga talin jireen Xisbul Islaam, ayaa waxay shalay gacanta u gashay Xarrakatul Shabaab, iyadoo ka dhigtay in gobolka Bay o dhan Xarrakatul Shabaab ka taliso.

Xiisadda ayaa haatan daggan, waxaana wararku ay sheegayaan in xoogaggii Xisbul Islaam ee dagaalkii maanta looga adkaaday ay isku urursanayaan deegaan dhanka galbeed qiyaastii 20-km uga beegan degmada Buurhakaba.

Dagaalkan, ayaa imaanaya iyadoo maamulkii Xisbul Islaam ee degmadaas ay ku dhawaaqeen xalay inay si toos ah ugu biireen kooxda Xarrakatul Shabaab, oo ah kooxda ugu awooda badan kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya.

Mujaahidiinta Xarrakatul Shabaab, ayaa horay ugu guuleystay dagaallo ay ururka Xisbul Islaam kula galeen gobollada Jubbada hoose iyo Hiiraan, halkaasoo ay la wareegeen markii ay ka adkaadeen xoogaggii Xisbul Islaam ee kula dagaalamay.

Add New Comment