Xasan Daahir iyo ururkiisa Xisbul Islaam oo ku biiray Al Shabaab

 

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya hogaamiyihii ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, saraakiishiisa iyo dhammaan ciidamadii Xisbul Islaam inay galabta si rasmi ah ugu biireen xarakada Al Shabaab al Mujahidiin.


Wararku waxay intaas ku darayaan in ku biiritaanka Xisbul Islaam ee Al-Shabaab ay ka dambeysay kaddib markii ay labada dhinac in muddo ah u soo socdeen wada hadallo. Waxaa jiri doonta Xaflad ay labada dhinac ku shaacinayaan isku baaritaankooda, taasi oo qaban-qaabadeeda ay socoto.

Xarumaha Ciidan ee Xisbigu ay ku lahaayeen Magaalada Muqdisho iyo deegaanada loobarakacay ee duleedka Muqdisho, ayaa waxaa durbadiiba caawa la wareegay ciidamo ka tirsan Al Shabaab iyadoo Ciidamadii kale ee Xisbul Islaamna ay ka mid noqdeen Ciidamada Al Shabaab.


Midowga Al Shabaab iyo Xisbul Islaam waxaa aad ugu farxay barakacayaasha ku dhibaateysan deegaanada loo barakacay ee duleedka Magaalada Muqdisho kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ka cabsi qabay in Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam ay ku dagaalamaan dushooda maadaama xiisado dagaal oo u dhaxeeyay labadaasi dhinac ay ka taagneyd deegaanadaasi..



Haddaba   siyaasada  Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya  waxaa isugu haysta xoogagga mucaaradka ee  Xarakada AL Shabaab al Mujaahidiin  iyo Xisbul islaam  oo maanta la leeyahay way midoobeen inkatoo aan weli la sheegin magaca ay ku midowbeen iyo  kooxda kasoo horjeeda ee ah dowladda KMG, AMISOM, Ahlu Sunna iyo garabka Xisbul Islaam ee uu hogaamiyo Sheekh Yuusuf Indhacadde kuwaasoo ku mideysan la dagaalanka labadaasi ciidan ee maanta midoobay .
Si kastoo ay ahaataba waxaa muuqata in ciidamadaasi ay koox waliba ay doonayso sidii  iyada gacanta ugu qaban laheyd talada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya .



Add New Comment