TACSI - geerida naxdinta leh ee Marxuum Maxamed Xasan X.Macow

                           inaalilaahi[1].jpg
Waxaa maanta magaalada Muqdisho(ceelasha biyaha) ku geeriyooday laguna aasay, Allaah ha u naxariistee marxuum Maxamed Xasan Xaaji Macow  oo lixdan iyo afar jir ahaa,waxaana geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Marxuum Maxamed Xasan Xaaji Macow  waxuu ifka uga tagay caruur fara badan oo isugu jira wax uu dhalay iyo wax ay sii dhaleen oo dhammaantood ku kala sugan gudaha dalka Soomaaliya iyo dibeddiisaba.

Dhammaan xubnaha Ururka I. SilGor ayagoo ka murugeysan geerida ku timid walaalkood, waxay si gaar ah  tacsi ugu dirayaan Xaaskii iyo carruurtii uu ka tagtay marxuumka, waalid iyo walaalahiis qoyska  reer Xaaji Macow Cilmi iyo reer Kobayare,tacsi taa la mid ah waxay u dirayaan  Beesha Silcis Gorgate Hawiye.

Marxuum Maxamed Xasan Xaaji Macow Ilaaheey haka waraabiyo jannadii Fardowsa, dhammaan intii uu ka tagayna sabar iyo iimaan haka siiyo - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN -

Add New Comment