Ciidammada AMISOM, oo rasaaseeyay gaari ay saarnaayeen Askar ka tirsan ciidammada Booliiska Soomaaliyeed


   
Sarkaal la socday ciidammada booliiska Soomaliya ayaa sheegay,Ciidammada AMISOM inay si bareer ah rasaas ku burburiyeen matoorkii gaari nooca dagaalka ah oo ay leeyihiin booliiska,sidoo kalena ay dhaawaceen mid ka mid ah askartii gaariga saarneed.

Warbixinta darawkii waday gaariga  waxa uu yiri   gaadiidka ciidammada AMISOM iyo kuwa dowlada waxay iska soo raaceen isgoyska Banaadir,markii ay marayeen agagaarka isgoyska KM4 waxa uu yiri waxaanu ka war helnay rasaas kasoo dhacaysa qoriga dhashiikaha ah  taasoo sababtay  dhaawac hal askai oo boolis ah iyo burbur ku yimid Matoorka gaariga
.

Waxaan la hadalnay,  saraakiisha AMISOM… waxayna noogu jawaabeen lama soconno arrinta aad sheegayso,” ayuu yiri Ilka-case, oo sheegay inaysan AMISOM ka filayn tallaabada ay kula dhaqaaqeen, iyagoo wada-shaqeyni ay ka dhexeyso.

Sababta keentay, in ciidamadu rasaas ku furaan oo la weydiiyay, ayuu ku sheegay inuu filayo inay ka shakiyeen, isagoo xusay in haddii laga shakiyay ay ahayd in la baaro, balse aanay ahayn in rasaas lagu furo gaariga iyo 13-askari oo la socday.

dhacdanai , ayaa noqonaysa middii ugu horreysay oo kasoo baxda ciidammada booliiska Soomaaliya. Balse waxaa dhawaan ciidammada AMSIOM ay raalligelin ka bixiyeen rasaas ay ku fureen dad shacab ah iyo taangi ay leeyihiin oo burbur u geystay qayb ka mid ah dhismaha ay daggan tahay idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho.

Add New Comment