Madaxweyne Shariif oo kulamadii xasaasi ah kula qaadanaya Saraakiisha Ciidamada Villa Baydhabo-Warbixin+Sawiro

                                                                   
Kadib markii dhowaan Madaxweyne Shariif uu xariga ka jaray Taliska Ciidamada Xooga dalka ee Xarunta Villa Baydhabo ayaa halkaas waxaa uu Madaxweyne Shariif ka wadaa kulamo culus oo uu la qaadanayo Saraakiisha Ciidamada Milateriga.

 

Madaxweyne Shariif oo xiran dareyska Milateriga oo ah nuuc cusub oo aan wali la arag ayaa kulamo adag la qaadanaya Saraakiisha Ciidamada, kaasoo qeyb ka ah qorshaha ammaanka ee ay wado Dowladda KMG.

Warar ay heshay Shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif uu habeenkii afaraad ku hoyanayo Xarunta Villa Baydhabo ee Taliska Ciidamada Xooga dalka, halkaas oo uu ka wado qorshayaal kala duwan.

Kulamadii u dambeeyay ee Madaxweynaha ayaa waxay ahaayeen kuwo uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada, gaar ahaan Taliyeyaasha Ciidamada sida Abaanduulaha C/kariin Dhega-Badan, kuwaasoo uu kala hadlay xaaladaha ammaanka.

Taliska Ciidan ee Villa Baydhabo ayaa noqday kii u horeeyay ee laga hago Ciidamada Milateriga, halkaas oo la sheegay in la gaarsiiyay qalab kala duwan oo ay ugu weyn tahay Isgaarsiinta, lagala xiriiro Ciidamada, xilliyada dagaalada ay ku jiraan.

Qorshaha iyo gulufka dagaal ee ay wado Dowladda KMG ayaa ku wajahan sidii Caasimada looga saari lahaa Kooxaha Mucaaradka, iyadoo istiraatiijiyada dagaal ee Dowladda KMG ay la daadihineyso AMISOM ay tahay mid dhaq dhaqaaqeeda si xoogan uga socoto Villa Baydhabo.

Xukuumada Farmaajo ayaa hada ku howlan diyaar garow dhinaca ciidamada iyo habeyntooda, waxaana ay ku goodisay in dagaal ka dhan ah ay ku qaadi doonto Mucaaradka, kaas oo ay kaga sifeyneyso dalka oo dhan.

Lama oga sida uu qorshahan dagaal ee ay wado Dowladda KMG uu u guuleysan doono, ha yeeshee dadka indha indheeya siyaasada ayaa waxay sheegayaan in qorshahan uu yahay mid aad uga duwan qorshayaashii hore ee Dowladda horay uga fashilmay, iyadoo iminka Dowladda KMG ay yeelatay Talis Ciidan.


Add New Comment