Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo la wareegay deegaanno kale oo ay ka talin jireen xoogagga Xisbul Islaam

Xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, ayaa ururka Xisbul Islaam kala wareegay deegaanno hor leh, oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose, iyadoo aanay ka dhicin wax dagaallo ah.

Saraakiil ka tirsan ururka Xisbul Islaam oo magacyadooda qariyay, ayaa u xaqiijiyay saxaafadda Muqdisho in laga qabsaday deegaanno ay ka mid yihiin: Toora-toorow, Furuqley iyo Farsooley, oo dhammaantood ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Deegaannadan, ayay ciidammada Xisbul ilsaam isaga baxeen, kaddib markii ay ka warheleen ciidammo ka tirsan Xarrakatul Shabaab oo ku wajahan, waxaana sidoo kale dhawaan lagala wareegay Xisbul Islaam degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.

"Ciidammadeenu, waxay kusoo urureen degmada Afgooye, waxayna qorsheynayaan inay dib ugu laabtaan deegaannadii ay isaga soo baxeen," ayuu warbaahinta ku yiri sarkaal Xisbul Islaam oo magaciisa qariyay.

Sarkaalkan, ayaa sheegay in maanta oo Talaado ah, ay xubnaha sare ee Xisbul Islaam kulan ku yeesheen deegaanka Lafoole, kaasoo ay uga tashadeen sidii ay dib ugu qabsan lahaayeen deegaannadii laga qabsaday ee ka tirsan Shabeellada hoose iyo Bay.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Afgooye, ayaa saxaafadda u sheegay in ciidan wata gaadiid dagaal oo ka tirsan Xisbul Islaam ay degmadaas buuxiyeen, iyadoo shalay la xiray dhowr mas'uuliyiin maamulka Afgooye ka tirsan oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Xarrakatul Shabaab.

Ma jirto, hadal arrintan ku saabsan oo kasoo baxay Xarrakatul Shabaab, iyadoo la xusuusto inay labada kooxood uu dagaal khasaare badan geystay ku dhexmaray degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Add New Comment