Xarunta Villa Baydhabooo noqotay saldhiga Ciidamada dowladda



Xarunta Villa Baydhabo oo markii hore xarun u aheyd Saraakiisha Ciidamada Milateriga, iyadoo maanta Madaxweyne Shariif uu ku  magacaabay  Xarunta taliska ciidammada dowladda .
Furitaanka xaruntani  waxaa goobjoog ka ahaa; taliyaha ciidanka Badda Gen. Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare), abaanduulaha milateriga C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan), taliya ciidanka cirka iyo saraakiil kale.

Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed dardaaran uu u jeediyey saraakiisha Ciidamada waxa uu ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabtaan dadka sumcadda ciidanka dilay oo ku labisan dareeska ciidamada dowladda  haddana dhibaatada iyo dhaca ku haya Shacabka Soomaaliyeed .
Madaxweyne Shariif  waxaa uu sheegay inay xadidan tahay dhaqaalaha dowladda hase ahaatee  maanta ay heystaan hub iyo dhaqaale ku filan in nabad loogusoo celiyo dalka, si taasi loo helo waxaa looga baahan yahay in ciidamada qalabka sida ay wax badan ka badalaan waxqabadkooda.

Madaxweyne Sheekh Shariif waxa uu sheegay in uu aaminsan yahay in Soomaaliya ay bur burtay, markii uu burburtay Ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed , maalintii xooga dalka dib loo dhismo Soomaaliyana way dhismeysaa.wuxuuna saraakiisha ciidanka kula taliyay in ay ka run sheegaan xaaladda ciidanka qalabka sida , waana in laga dhowraa Askarta dowladda si howlahooda ay u gutaan Musuq maasuqa,qablaayada iyo nin jeclaysiga.

Add New Comment