R/wasaare Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si rasmi ah booqosho ugu tagay dalka Jabuuti


 
 Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa saxaafadda usoo bandhigay in Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa inay casuumaad muddo 24 saac ah ka heleen madaxweynaha dalka Jabuuti iyo R/saarahiisa Dalayta Maxamed , waana safarkii ugu horreysay Ra'iisul waaare Farmaajo uu dibadda ku aado tan iyo markii xilkaan loo magacaabaysi
 
 
Garoonka diyaaradaha ee Jabuuti,markay kasoo dageen wafdiga uu hoggaaminaayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay R/wasaaraha dalka Jabuuti  iyo xubno dowladdiisa ka tirsan, waxayna gacanqaadeen R/wasaare Farmaajo,Maxamed C/llaahi Oomaar ahna ra'iisul wasaare ku xigeenka iyo wasiirka arrimaha dibadda , Xuseen Cabdi Xalane ahna wasiirka maaliyadda iyo lacagta  iyo madaxdi kale ee la socotay .

 Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo wafdiga ka mida ah ayaa sheegay in safarkooda uu salka ku hayo, salaan iyo sidii ay kulammo dhinaca xiriirka labada dal ah ay ula soo yeelan lahaayeen madaxda dalka Jabuuti,intaasi kadib waxay dalka Jabuuti kula kulmi doonaan Diblumaasiyiin shisheeye ay kala hadli doono arrimo ay kamid yihiin ammaanka iyo dhaqaalaha kadibna waxay dib ugu soo laaban doonaan dalka.
 

Add New Comment