Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo ay wehliyaan saraakiisha ciidamada
Xoogga Dalka ayaa maanta kormeeray difaacyadii ugu dambeeyay ee Ciidamada X.D.S
ay kala wareegeen Maleeshiyaadka Kooxda al shabaab ee kaabiga ku haya magaalada
Jowhar ee xarunta Gobalka Sh/Dhexe.
Kormeerkan uu ku jooga wasiirka wasaaradda Difaaca dalka Mudane C/xakiim
Xaaji Maxamuud “Fiqi” ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Taliyaha ciidamada
X.D.S C/qaadir Sheekh Cali Diini, saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo
kuwa nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM.
Wasiirka Difaaca dalka goobaha uu kurmeerka ku tagay ayaa waxaa ka mid ah
deegaanka Qalimoow oo kaabiga ku haysa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka
Sh/Dhexe halkaas oo uu kula hadlay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa
AMISOM ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka.
Mudane C/xakiim Fiqi ayaa ciidamada ku amaanay sida geesinimada leh oo ay
qeybo ka mid ah gobolka Sh/dhexe uga xoreyeen maleeshiyada kooxda shabaab waxa
uuna tilmaamay in uu aad ugu faraxsanyahay in kormeerkiisi ugu horeeyay uu ku
tago qeybo ka mid gobolkaasi.
Fiqi ayaa qeexay in la fulinayo amarkii ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya
kaas oo ku aadanaa in dil toogasho ah uu muteysan doono askarigii kufsi u geysta
gabar Soomaaliyeed.
Sidoo kale taliyaha ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Mudane C/qaadir
Sheekh Cali Diini oo ciidamada hadal u jeediyay ayaa ku amaansay sida hufan oo
ay u guteen waajibaadkooda iyo sida ay dalka uga xoreeyaan cadawga shabaab ee
xadgudubka kula kaca shacabka Soomaaliya.
Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxa ay dalka ka wadaan howlgal ka
dhan ah kooxda Al-qaacidada Soomaaliya ee shabaab iyo ajaanibtooda waxeyna
ciidamada haatan kaabiga ku hayaan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe
iyadoona Jowhar ay tahay magaalo madaxda kalihay oo ay haraadiga ku yihiin
maleeshiyaadka shabaab.
