Madaxweynaha Soomaaliya oo casuumay u fidiyay Ra’iisal Wasaare Farmaajo iyo Golahiisa Wasiirrada


  kulan-uhoreya (3).jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta qado ugu sammeeyey Xarunta Madaxtooyada  Ra’iisal Wasaare Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Golahiisa Wasiirrada kdibna  madaxweynaha waxuu u bandhigay howsha adag ee sugaysa xukuumadaasi.

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Farmaajo ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay kulanka ugu horreeyay oo ay wada yeeshaan Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirrada ee dhawaanta lasoo dhisay , wuxuuna  Ra’iisal Wasaaraha u sheegay Madaxweynaha in golahiisa wasiirada ay si dhammaystiran u gudan doonaan waajibka ay u qaadeen Shacabka Soomaaliyeed , ayna wajihi doonaan caqabadaha kaga horjimaada gudashada waajibkooda si wannaagsanna ay u xalin doonaan qilaafka u dhaxeeya dowladda iyo Mucaaradka hubaysan.

qado sharaf madaxweyne.jpg

Kulanka oo ahaa mid qado sharaf ah oo Madaxweyne Shariif u sameeyay Golaha Xukuumada R/wasaare Farmaajo ayaa noqday kulankii ugu horreeyay oo ay isku bartaan Madaxweynaha iyo xukuumadda cusub oo ay  badankood yihiin dad qurbaha u carraray markii ay dhacday Xukuumadii Siyaad Barre , soo noqoshadooduna ay la kulmeen dagaalo joogta ah iyo inay arkaan magaaladii quruxda badneyd ee Muqdisho oo burburtay .
Hadaba waxaa isweydiin mudan 100 maalmood ee ugu horreeya xukuumadaani sida ay ula qabsan doonaan jawiga cabsida iyo ammaan la'aanta ka jirto,ma waxay noqon doonaan kuwa AMISOM ay ku  ilaaliso Madaxtooyada mase kuwa shacabka Soomaaliyeed dhexjooga si daacad ahna ugu adeegga, khilaafka dowladda iyo mucaardkana xal u hela, waxay noqotaba waxaa la arki doonaa waqtiga dhaw ee soo socda.



Add New Comment