Maamulka Puntland oo sheegtay inay ciidamadii Sheekh Atam kala wareegeen buurta Galgala


Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ciidamadoodu ay buurta Galgala ka saareen dagaalyahanadii uu hoggaaminayey wadaadka Sheekh Maxamed Siciid Atam ee maalmihii la soo dhaafay halkaasi ka dagaalamayey.


Madaxweyne ku-xigeenka maamul goboleedka Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa asaga oo ku sugan magaalada Boosaaso waxa uu sheegay in ciidamada daraawiishta  iyo kuwa PIS-ta ay soo afjareen dagaaladii buurta Galgala ay beryahan ka wadeen dagaalyahanadii uu horjoogaha u ahaa Sheekh Atam, si buuxdana ula wareegeen saldhigyadii ay kooxahaasi ku sgnaayeen.

Cabdisamad Cali Shire ayaa waxa uu dadkii dagaalada Galgala ka cararay ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan degaannadoodi, lana shaqeeyaan ciidamada maamulka Puntland ee haatan ku sugan aagaggaasi.

Dagaalyahannidii uu hor kacayey Sheekh Atam ayaa waxa lagu soo warramayaa inay gadaal u sii galeen dhulka buuraleyda ah ee degaankaasi, lamana oga qasaaraha soo gaaray, mana jiro wax war ah oo dhinacooda kasoo baxay ilaa iyo hadda.

Add New Comment