Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin oo mamnuucay 3 ha'adood oo ka howlgeli jiray gobollada dalka


Xarakatul Shabaab ayaa bayaan ay maanta kasoo saareen magaalada Muqdisho ku mamnuucay in ay Soomaaliya ka howlgalaan 3 hay'adood oo la kala yiraahdo ADRA, DIAKONIA iyo World Vision oo ay ku eedeeyeen inay gudaha dalka Soomaaliya ka wadeen gaaleysiin.

Qoraalka Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ay ku mamnuuceen hay'adahani ayaa waxa uu ka soo baxay xafiiska xarakada u qaabilsan la socodka dhaqdhaqaaqa hay'adha shisheeye ee ka howlgala gudaha Soomaaliya OSAFA, kaasoo hay'adahani ku eedeeyey inay diinta Masiixiga faafinayeen.

Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ayaa waxa ay horey dalka guud ahaan, gaar ahaan gobollada ay gacanta ku hayaan uga mamnuuceen hey'ado caalami ah sida UNDP iyo WFP iyo kuwo badan oo NGOs ah oo ka howl geli jiray gobollada dalka Soomaaliya.





Add New Comment