Qarammada Midoobay oo hay'adaheeda gargaarka iyo shaqaalahooda dib uga howlgelinaysa Soomaaliya


Hay'adaha Qarammada Midoobay ayaa ogolaaday inay shaqaalahooda iyo xafiisyadooda dib uga howlgalaan Soomaaliya, kaddib kulan laba maalmood uga socday oo Nairobi ku dhexmaray xubno uu hoggaaminayo Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo Wakiilka Qarammada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga.

"Wadahadallada oo ay kasoo baxeen qodobbo dhowr ah, waxaa ka mid ah in hay'adaha iyo shaqaalaha Qarammada Midoobay ay dib ugu laabtaan Soomaaliya, si ay ula socdaan dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri wasiirka wafaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo kulanka ka qaybgalay.

Qarammada Midoobay ayaa 17-sano ka maqnayd Soomaaliya, iyadoo isaga baxday sannadkii 1993-kii, kaddib markii bateen dagaallada ka socda Soomaaliya, waxayna saldhig ka dhigteen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in qodobbada kasoo baxay wadahadallada ee la isku afgartay ay ka mid yihiin in la xoojiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho iyo kuwa dowladda Soomaaliya si dib loogu soo celiyo ammaankii dalka.

"Waan rumeysanahay in haddii la kordhiyo ciidammada AMISOM ay taasi sabab u noqon karto in xal laga gaaro dagaallada ka socda Soomaaliya, iyadoo kooxaha kasoo horjeeda dowladda ay ka diideen wadahadallo ay dhowr jeer loogu baaqay," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Augustina Mahiga oo isguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in u guuritaanka Soomaaliya ay ku dhameystirayaan muddo 60-maalmood ah, isagoo sheegay in sidoo kale xilligaas lagu dhameystiri doono tirada ciidamada AMISOM lana gaarsiin doono 8,100-askari, halka ay hadda ka yihiin 6,100-askari.

Ergayga xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay wuxuu sheegay inuu rajeynayo inay xaruumahooda waaweyn u raraan Somaliland iyo Puntland oo ay ka jirto xasilooni lagu shaqeyn karo.


Add New Comment