Iran oo sheegtay inay gacan ka geysan doonto xal u helidda dhibaatada Soomaaliya


Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Iran Manouchehr Mottaki ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu gacan ka geysto sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatada iyo dagaallada Soomaaliya ka jira muddada ku dhow 20-ka sano ee dalka Soomaaliyana u horseeday burburka.

Mr. Manouchehr Mottaki ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Tehran ee xarunta dalka Iran kula yeeshay Xoghayaha Guddiga Fulinta ee urur-goboleedka IGAD Maxbuub Maalin oo haatan booqosha ku maraya dalka Iran oo ay ka wada hadlayaan arrimo dhowr ah oo ay xaaladda Soomaaliya ku jirto.

Mr Mottaki ayaa sheegay in xal u helidda Soomaaliya ay marka hore ku jirto gacanta dadka Soomaaliyeed, ayagana looga baahan yahay inay xalliyaan qilaafka dhexdooda ka jira, wuxuuna sheegay in dalkiisu dadka Soomaaliyeed ka caawini doono sidii ay u gaari lahaayeen xal waara.

Mr Maxbuub Maalin ayaa asagana dhankiisa caddeeyey in dadka Soomaaliyeed ay ayagu yihiin kuwa keliya ee xal ka gaari kara dhibaatada dalkooda ka aloosan muddada dheer, loogana baahan yahay inay is afgartaan oo ay dalkooda nabad ku soo dabaalaan, dadkooda dhibaateysanna badbaadiyaan.

Waxaa maalmahan dambe soo badanaya fekerka ah in arrimaha Soomaaliya aan lagu xallin karin faragelin shisheeye ee uu xalku ku jiro in dadka Soomaaliyeed ay ayagu dhammeysan karaan wixii qilaafaad ah ee jira, fekerkaas oo marar badan oo horena ay ka dhawaajiyeen aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Add New Comment