Dagaal dib uga qarxay buuraleyda Galgala ee Puntland


Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegaya in uu saaka dagaal culus ka qarxay nawaaxiga buuraleyda Galgala, dagaalkaas oo u dhexeeya ciidamada daraawiishta Puntland iyo kuwa uu hoggaamiyo wadaadka Sheekh Atam ee buuraleydaasi ku jira.

Dagaalkan ayaa sida lagu soo warramayo waxa si wadajir ah u qaaday ciidamada daraawiishta iyo kuwa loo yaqaan PIS-ta ee maaulka Puntland, ilaa iyo haddana dagaalku wuu socdaa, mana jiro wax horumar ah oo ay labada dhinac dagaalka ka gaareen, marka laga reebo dhaawaca kooxaha dagaallamaya oo la soo gaarsiiyey cusbitaalka magaalada Boosaaso.

Sheekh Atam iyo dhallinyaro aad u hubeysan oo uu hoggaaminayo ayaa waxa ay mudooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaayeen dhulka buuraleyda ah ee degaanka Galgala, ayaadoo dagaal hore oo labada dhinac ku dhexmaray halkaasina uusan keenin wax natiijo ah oo la taaban karo.

Kooxdan uu hoggaamiyo Sheekh Atam ayaa waxa lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin urur-diineedka ka dagaallama koonfurta Soomaaliya ee Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, hase ahaatee waxaa eedeyntaasi iska fogeeyey Xarakatul Shabaab iyo kooxda Sheekh Atam oo labaduba sheegay inaysan wax xiriir ah laheeyn, marka laga reebo inay ka mideysan yihiin mabaadiida ay ku dagaalamayaan.

Ciidamo fara badan oo uu leeyahay maamul-goboleedka Puntland ayaa kusoo qulqulaaya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kuwaas oo loo sii galbin doono aagagga dagaalka, hase ahaatee waxa ayagan dhinacooda difaac aad u adag sameystay dhallinyarada dagaalyahannada ah ee uu hoggaaminayo wadaadka Sheekh Atam ee mayalka adag.

Dadka reer Puntland ayaa intooda badan qaba in arrintani ay ku wanaagsanaan lahayd in lagu dhammeeyo si nabadgelyo ah ayadoo loo marayo jidka wadahadalka iyo isfahamka, hase ahaatee waxaa sidaasi diiday maamulka Puntland ee uu madaxa u yahay Cabdiraxmaan Faroole.


Add New Comment