Ra'iisul wasaare Sharmaarke oo Nairobi u jooga inuu la hadlo mas'uuliyiinta Qaramada Midoobay


Ra'iisul wasaaraha Dowladda KMG Cumar Cabdirashiid Cali oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee  xarunta waddanka Kenya ayaa sheegay inuu halkaasi u joogo halkaas sidii uu mas'uuliyiinta Qarammada Midoobay ugala hadli lahaa dib u dhiska ciidanka Soomaaliya iyo soo dedejinta dhammeystirka ciidamada Midowga Afrika.

Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxa uu wadaa dadaal uu ku dardargelinayo taageero xukuumaddiisu ay ka hesho beesha caalamka, gaar ahaan in xukuumaddu hesho mushaarka ciidanka iyo in loo tababaro ciidamo hor leh oo ka shaqeeya nabad ku soo dabaalidda dalka.

Mar Ra'iisul wasaaraha wax laga weydiiyey sababta xukuumaddiisu u hortagi la'dahay Barlamaanka ayaa waxa uu ku jawaabay in xukuumaddu diyaar u tahay in lagula xisaabtamo wax qabadkeedii muddadii ay soo jirtay, mar kasta oo uu barlamaanku u yeerana ay hor tageyso.

Safarka uu ra'iisul wassaraha ku tagay dalka Kenya ayaa waxa uu ku soo aadaya xilli dhowaan Ururka Midowga Afrika uu sheegay inuu Soomaaliya u soo dirayo ciidamo dheeraad ah oo lagu xoojiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, hase ahaatee aanay ilaa iyo hadda waxba ka suurtagelin keenista ciidamadaasi.

Add New Comment