Ciidamada Badda Spain oo sii daayey burcadbadeed Soomaali ah oo ay dhowaan soo qabteen


Ciidamada Midowga Yurub ee ka howlgala badaha Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in ciidamada badda dalka Spain ee qaybta ka ah ciidamada halkaasi jooga ay sii daayeen koox burcadbadeed Soomaali ah oo ay dhowaan soo qabteen.

Burcadbadeedda Soomaalida ayaa lasoo qabtay xilli ay weerar ku ahaayeen markab shidaal oo laga leeyaha dalka Norway oo marayey biyaha gacanka Cadmeed, kaddib markii markabkaasi uu gurmad ka helay markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda dalka Spain, kuwaasoo markii dambe ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan burcadbadeedii oo watay dooni iyo hubkii ay wax ku weerari lahaayeen.

Burcadbadeedani Soomaalida ah ayaa waxaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay lagu dul haayey markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Spain laguna magacaabo Sps Victoria, kaasoo ah kii markii hore fashiliyey weerarkoodi soona qabqabtay kooxda burcadbadeeda ah.

Dowladaha reer Yurub ee ay ciidamada ka joogaan biyaha Soomaaliya ayaa waxaa inta badan dhibaato dhinaca sharciga ah ay ka heysataa inay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ah maxkamad kusoo taagaan dalalkooda, inkastoo dhowaan Spain ay dalkeeda ku xukuntay burcadbadeed ay horey ugu soo qabqabteen howlgallo ay ciidamadoodu ka sameeyeen biyaha Soomaaliya.



Add New Comment