Maamulka Galmudug oo gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ah dembiilayaashii dilka iyo dhaca u geystay xawaaladda Qaran ee waqooyiga Gaalkacyo


Ismaamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen raggii geeystay dilkii iyo dhicii loo geystay  xawaaladda Qaran Express ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Ismaamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.


Taliyaha ciidamada ammaanka ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ciidamadoodu ay gacanta kusoo dhigeen qaar ka mid ah dembiilayaashii ka dambeeyey fal-dembiyeedkii loo geystay Rugtii Xawaaladda Qaran ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dembiilayaashaasi ayaa waxa ay haatan ku xiran yihiin saldhigga booliska maamulka Galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo, ayadoo inta kale ee ka midka ahaa kooxdani dembiilayaasha ah weli la baadi goobayo oo caddaaladdana la hor keeni doono.

Taliska Booliska maamulka Galmudug ayaa sidoo kale ugu baaqay hay'adaha ammaanka ee waqooyiga Gaalkacyo ee maamulka Puntland inay iska kaashadaan soo qabashada kuwa dembiyada ka gala koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Add New Comment