Mareykanka oo 14 qof oo Soomaali iyo Mareykan isugu jira ku eedeeyey inay taageeraa Al Shabaab


Shir jaraa’id oo uu qabtay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka Eric Holder ayuu ku sheegay in wasaaradda Garsoorka ee dalkaasi ay dacwad ku soo oogtay 14 qof oo u badan Soomaali kuwaasoo lagu eedeeyay inay taageero isugu jirta lacag, shaqaale iyo adeegyo u fidiyeen ururka Xarakatul Shabaab.

Dadka lagu soo oogay dacwadda ayaa waxay ku kala nool yihiin gobollada Minnesota, Alabama iyo California iyadoo laba ka mid ah dadkani oo dumar Soomaaliyeed oo heysta dhalashada Mareykankana lagu xiray gobolka Minnesota ee ay Soomaalida ugubadani deggan yihiin.

Dadkan ayaa waxa lagu soo eedeeyey inay ku lug lahaayeen dirista dhallinyaro Soomaaliyeed oo dagaalyahanno ah  oo ku nool dalka Mareykanka loona diray Soomaaliya si ay uga garab dagaallamaan xoogagga dagaalka kula jira Dowladda KMG iyo dhaqaale ay u uruuriyeen xoogaggaasi.

2 dumar ah oo deggan gobolka Minnesota laguna kala magacaabo Aamina Faarax Cali iyo Xaawo Maxamed Xasan ayaa la soo qabtay kaddib markii lagu eedeeyey inay lacag u aruurinayeen Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, sidoo kale waxaa si gaar ah loo sheegay in 2 nin oo u dhashay dalka Mareykanka laguna kala magacaabo Cumar Shafiiq Hammaami iyo Jihaad Sarwaan Mustafa kuwaasoo sida la sheegay haatan ku sugan gudaha waddanka Soomaaliya, kana mid yihiin madaxda Al shabaab.

2-da dumarka ah ee la xiray ayaa sidoo kale la sheegayaa inay khadadka telefoonada isugu keeni jireen dad kala jooga meelo kala duwan oo ka tirsan Mareykanka iyo Canada si ay u uruuriyaan lacag ay oran jireen waxaa loo uruurinayaa dadka dhibaateysan ee Soomaaliya ku sugan. Xaawa Maxamed Xassan ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay lacag u dirtay ururka Al Shabaab iyadoo u sii marisay mid ka mid ah xawaaladaha.

Tirada dhalinyarada Soomaaliyeed ee ka tegay Mareykanka si ay ugu biiraan Al Shabaab ayaa la sheegayaa inay gaarayaan 20, iyadoo qaar ka tirsan dhalinyaradaas la soo xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalada ka socda Soomaaliya halka qaar kalena lagu eedeeyay inay falal isqarxin ah ka geysteen qeybo ka tirsan Soomaaliya.

Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin ayaan ayagu dhankooda wax hadal ah oo ku saabsan arrintani kasoo saarin waxa ka jira xiriirka la sheegay in dadkani la lahaayeen ururkooda iyo weliba inay jiraan dad Mareykan ah oo ururkooda ka barbar dagaallama.


Add New Comment