Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in la dhammeystiray dastuur qabyo ah oo ay Soomaaliya yeelato

Xukuumadda KMG ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in lasoo dhameystiray qorista dastuur qabyo ah oo ay Soomaaliya yeelan doonto, ayadoona Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Barlamaankana loo gudbiyey nuqullo dastuurkaasi cusub ah.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Dowladda KMG Soomaaliya Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa mar uu la hadlayey xildhibaanada Barlamaanka KMG ee Soomaaliya sheegay in dastuurkani qabyada ah loo bandhigi doono madaxda dalka si ay afkaartooda uga dhiibtaan, marka intaasi lasoo dhammeeyana afti looga qaadi doono shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka waxa uu intaasi ku daray in haddii dastuurkani la siiyo codka kalsoonida uu meesha ka saari doono dastuurkii hore, wuxuuna noqon doonaa dastuurkii ugu horreeyey ee ku saleysan nidaamka federalismka ee ay Soomaaliya yeelato.

Qorista dastuurkani cusub ayaa waxa ay muddo sanad ka badan ka socotay magaalada Jabuuti halkaasoo ay ku kulansanaayeen qubaro dhinaca dastuurka ah oo ku howlanaa so diyaarintiisa si loogu beddelo dastuurkii horey uga jiri jiray dalka Soomaaliya.

Soo bixidda wararka ku saabsan dastuur ku saleysan nidaamka federalismka oo ay yeelato Soomaaliya ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xilli gobollada dalka Soomaaliya intooda badan ay gacanta ku hayaan xoogagga Islaamiyiinta ah ee sida ba'an uga soo horjeeda Dowladda KMG, mana muuqato sida afti loo qaado dastuur ay xilligan uga dahaqan geli karto dalka Soomaaliya.



Add New Comment