Maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Banaadir oo sheegay inay dagaalka sii labalaabayaan inta lagu jiro bisha Ramadaan


Maamulka Culimaa'uddiinka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dardargelin doonaan dagaallada ay kula jiraan Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan ee foodda inagu soo heysa.

Xoghayaha Warfaafinta ee Ahlu Sunna Waljamaaca ee maamulka gobolka Banaadir Sheekh Maxamuud Axmed Shuuriye oo la hadlayey qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa ku gooddiyey in maamulkoodu uu sii xoojin doono dagaalka ay kula jiraan ururrada Shabaabul Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam.

"Waxaan ugu bishaareynaynaa shacabka gobolka Banaadir in bisha Ramadaan ee soo socota mujaahidiinta Ahlu Sunna ay doonayaan inay labalaabaan jihaadka ay uga soo horjeedaan Al Shabaab iyo kuwa isbaheysiga la ah" ayuu yiri Sheekh Shuuriye.

Sheekh Shuuriye oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay dagaal kala hortagi doonaan Xarakada Shabaab meel kasta oo ay Soomaaliya ka joogaan, ayna u diyaar garoobeen dagaal ballaaran oo ay la galaan labada urur diineed ee ay sida wayn isaga soo horjeedaan.

Xoogagga Culimaa'udiinka Ahlu Sunna wal Jamaaca ayaa waxa ay ka dagaalamaan gobollada Dhexe ee Soomaaliya iyo gobolka Banaadir, waxaana lagu tiriyaa inay gacan saar la leeyihiin Dowladda KMG ee Soomaaliya inkastoo mararka qaar ay u muuqdaan inay isku qilaafsan yihiin qaababka awood qaybsiga iyo dagaalkaba ayagoo mararka qaar eedeyn isu mariya warbaahinta.

Horey ayaa waxa dhinaca Xarakatul Mujaahidiin Al Shabaab saraakiil ka tirsan u sheegeen in bisha barakeysan ee Ramadaan ay sii xoojin doonaan dagaallada ay ku qaadayaan xoogagga AMISOM, Dowladda KMG iyo Ahlu Sunna ee ay dagaalka adag kula jiraan.

Add New Comment