Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke iyo xukuumaddiisa oo maanta hortagaya Baarlamaanka KMG

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo ay welinayeen golihiisa wasiirada ayaa maanta hortagay baarlamaanka Soomaaliya, isagoo halkaas ka jeediyay hadal ku aadan waxqabadka xukuumaddiisa muddadadii ay jirtay.

Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayay afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo xildhibaannadii mooshinka ka keenay xukuumadda ay ka baaqsadeen insay kulanka soo xaadiraan, kaddib markii ay ku tilmaameen mid aan sharciga waafaqsanayn, waxaana mudanayaashaas kasoo xaadiray xubin keliya.

Markii uu kulanku furmay ayuu Shariif Xasan u yeeray xubnihii mooshinka ka keenay xukuumadda, iyadoo uu soo istaagay xildhibaan C/rashiid Cali C/lle oo ka hor-sheegay mudanaayaasha iyo guddoonka in markii uu eegay xalaadda dalka ay ka laabteen mooshinka.

"Waxaan sannad iyo bar ka hor nasiiseen kalsooni, markaan halkaan nimid ma jirin wax naga soo horeeyay oo dowladii hore aan ka dhaxalnay, waxaana go'aansanay inaan wax ka qabanno amaanka iyo dhismaha ciidanka," ayuu yiri Sharma'arke oo intaas ku daray inay nasiibdarro tahay in xukuumadda laga keeno mooshin iyadoo jiraan caqabado fara badan.

Sharma'arke, wuxuu sheegay in caqbadihii ka horyimid xukuumaddiisa muddadii ay shaqeynaysay ay ka mid yihiin iyadoo ciidamadii dowladda loosoo tababaray ee la doonayay in wax looga qabto ammaanka ay intooda badan ku biireen kooxaha kasoo horjeeda.

Xildhibaanadii kulanka fadhiyay ayaa waxay tiradoodu gaaraysay 290-mudane, waxaana fadhigii maanta qaadacay mudanaayashii mooshinka ka keenay xukuumada, kuwaasoo fadhig kale ku yeeshay Muqdisho.

Ra'iisul wasaare Sharma'arke oo doonayay inuu u mahadceliyo mudanihii sheegay in laga laabtay mooshinkii xukuumadda laga keenay ayaa waxaa u diiday hadalka sameeyay Shariif Xasan oo ka dalbaday inuusan ka haldin arrintaas, wuxuuna guddoomiyuhu ka codsaday xubnihii mooshinka keenay xukuumadda inay kasoo qaybgalaan fadhiyada soo socda.

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Madoobe Nuunow Maxmed oo ay xukuumaddu u wakiilatay ka hadlka mooshinka ayaa sheegay in xildhibaanada ay ka eegeen xukuumada waxqabad la'aan, balse loo baahan yahay inay ka eegaan dhinaca kale oo ah waxqabadkeeda.

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo loo ogolaaday inuu ka hadlo kulanka ayaa sheegay in xukuumadda Sharma'arke ay dhacday, maadaama ay ku guuldareystay in wixii loo soo doortay ay qabato, loogana baahan yahay inay kalsooni ay ku shaqeyso hesho.

Muran xoog leh ayaa ka dhashay madasha kulanka uu ka socday, iyadoo intii kulanku uu socday ay kusoo dhaceen xarunta iyo hareeraheeda dhowr madfac oo ay soo tuureen kooxaha dowladda KMG ah ka horjeeda.

Guddoomiyaha Shariif Xasan ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay inuu kulanku xiran yahay isagoo sheegay in xubno ka socda beesha caalamka ay ku sugan yihiin madasha, sidoo kalena ay joogaan saraakiisha ka socda AMISOM.

Shariif Xasan wuxuu sheegay in kulammada baarlamaanka ay sii soconayaan, isagoo ugu baaqay in xubnaha kale ee aan kulammada kasoo qaybgelin u sheegay in lala xisaabtami doono, wuxuuna sheegay in xildhibaan walba laga doonayo xilliyada ay furmayaan baalamaanka inay xarunta joogaa.

Guddoomiyuhu wuxuu dhaliil u soo jeediyay mudanayaal maanta kulan kale ku yeeshay qaybo ka mid ah Muqdisho, isagoo sheegay in laba shir oo uu baarlamaanku leeyahay aysan ka socon karin caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa markii ay dibadda u soo baxeen waxay si hoose u sheegayeen in looga baahan yahay xukuumadda inay kalsooni hesho, iyadoo uu u muuqdo mooshinka xukuumadda laga keenay mid furmay, inkastoo Shariif uu ka gaabsaday inuu mooshinka ka hadlo.

Add New Comment