Qarax miino oo lala eegtay Haween ka shaqeynayay nadaafadda Degmada Boondheere agagaarka Daljirka Dahsoon iyo Ciidamada dowladda oo dilay nink wax qarxiya +Sawiro

meyt haweenka.jpgmeyt qarxiye.jpg

Gudoomiyaha Degmada Boondheere Cabdullaahi Xirsi Wardheere  ayaa Saxaafada u soo bandhigay nin meyt ah wuxuuna ku sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Al Shabaab ,  ninkaasi waxaa dilay Ciidamada Dowladda mar uu aasayay bambada meesha fog laga qarxiyo, meydii ninkana waxa uu sheegay in laga helay aaladda meesha foq wax lagu qarxiyo ee loo yaqaan (remote control)

Kadib Qaraxii maanta qasaraha dhaliyay ee lala eegtay haweenkii howsha nadaafadeed ka waday Degmada Boondheere ee gobolka Banaadir waxaa arintaasi  si kulul u canbaaraysay Wasaaradda arimaha gudaha Dowladda KMG ee Soomaaliya.
 Qaraxyada lala eegto haweenka ka howlgalay inay soo celiyaan quruxda Magalada Muqdishu ma aha kii ugu horreeya waxa horay lagu baabi’iyay haween sidaan oo kale howlo nadaafadeed ka waday wadada Maka Al Mukarrama ee isla magaalada Muqdishu.
 

Haweenka la qarxiyay maanata waxaa inta la og yahay ka dhimatay afar haween ah,11 kalena waxaa kasoo gaaray  dhaawacyo kala duwan.
Gudoomiyaha Degmada Boondheere waxaa uu ku eedeeyay qaraxa lala eegtay Haweenka inay ka dambeeyaan Xarakada Al-shabaab, isagoo sheegay in meesha loogu aasay  miinada meesha fog laga qarxiyo si loola beegsado Ciidamada Dowladda ee isticmaalada wadadaasi.



Add New Comment