Uganda oo sheegtay inay ciidamo dheeraad ah u soo direyso Soomaaliya


Taliyaha Guud ee Ciidamada dalka Uganda Gen. Aronda Nyakairima ayaa sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu Soomaaliya u soo diro ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 10 kun oo askari oo ka qayb qaata howlaha nabadda ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Gen. Nyakairima waxa uu intaasi ku daray in ciidamada dalkiisu ay sii xoojin doonaan howlaha ay ka wadaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho haddii ay helaan tageerada beesha caalamka gaar ahaan dalka Mareykanka, asagoona intaa kaddib dalalka Afrika ugu baaqay inay ka dhabeeyaan ballaanqaadkoodii ay horey ugu yabooheen in ay ciidamo u soo dirayaan Soomaaliya.

Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmay xilli maanta magaalada Muqdisho laga qaadayo meydadka askar reer Uganda ah oo maalinimadii shalay ku naf waayey duqeyn ay Xarakatul Shabaab kula beegsadeen Xarunta Madaxtooyada (Villa Somalia) ee magaalada Muqdisho.

Uganda waxa haatan ka jooga magaalada Muqdisho askar tiradoodu ay kor u dhaafeyso 4000 oo qayb ka ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM kuwaasoo ay weheliyaan ciidamo kale oo ka socda dalka Burundi, waxaana jiray dalal dhowr ah oo Afrikaan ah oo horey ugu yaboohay inay Soomaaliya ciidamo u soo diraan balse markii dambe ka noqday ama ka caga jiiday arrinkaas.



Add New Comment