Xaaladda magaalada Muqdisho oo maanta deggan, kaddib duqeyn ba'an oo xalay ka dhacday


Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inay maanta deggan tahay, kaddib markii siddeedii maalmood ee la soo dhaafay ay si is dabajoog ah uga dhacayeen dagaallo iyo duqeymo culus oo ay dad badani ku naf waayeen, kuwo kale oo fara badanina ku barakceen.

Dagaaladan ayaa waxa ay inta badan ka dhacayeen degmooyinka Boondheere iyo Shangaani oo ka mid ah degmooyinka ku yaalla waqooyiga magaalada iyo degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag oo konfurta magaalada ah, waxaana kale oo jiray degmooyin ka baxsan goobahaasi oo ay ku soo dhacayeen madaafiic cul culus oo ay is weydarsanayeen xoogagga ku dagaalamayey magaalada.

Habeennimadii xalay ayey dadka reer Muqdisho waxay sheegeen in magaalada inteeda badan ay ku waabariisatay duqeyn xooggan oo uga imaneysay saldhigyada ciidamada AMISOM taasoo ay waxyeello kasoo gaartay dadka fara ku tiriska ah ee weli ku sii harsan degmooyinka ay ka kooban tahay magaalada.

Suuqa weyn ee Bakaaraha oo ka mid ah goobihii xalay sida daran ay madaafiicdu ugu dhacday ayaa saakay laga soo sheegayaa degganaansho iyadoo goobihii ganacsigana qaarkood dib loo furay, kaddib markii ay xirnaayeen toddobaadkii la soo dhaafay oo dhan.

Dhinacyadii ku dagaallamayey magaalada ayaa weli isku horfadhiya goobihii ay ku kala sugnaayeen, waxaana waqti kasta la filan karaa in dagaalladu ay dib u qarxaan, waayoo waxaan jirin wax dadaal ah oo muuqda oo dagaalladaasi lagu qaboojinayo, inkastoo xoogagga dagaalamaya loo soo jeediyey baaqyo ku aaddan in dagaalka la joojiyo.

Dagaallada magaalada Muqdisho ayaa sida la wada og yahay waxa ay u dhexeeyaan ciidamada Dowladda KMG, culimaa'udiinka Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo ku AMISOM oo dhinac ah iyo Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo kuwa Xisbul Islaam oo dhinaca kale ah.



Add New Comment