TACSI - Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun - geerida naxdinta leh ee Marxuumad Madiino Aweys Maclow

inaalilaahi[1].jpg

tacsi.jpg

Ilaah ha u naxariistee waxa galabta magaalada Muqdisho ku geeriyootay marxuumad Madiino Aweys Macloow, kaddib markii uu xabbad ku dhuftay nin dembiile ah oo ay marxuumadda qaraabo ahaayeen oo ay arrimo gaar ah ku murmeen.

Marxuumad Madiino Aweys Allaah ha u naxariistee waxa ay ifka kaga tagtay 7 carruur ah oo isugu jiray wax ay dhasay iyo wax ay sii dhaleen, waxaana geerida marxuumadda la ogeysiinayaa dhammaanba eheladeeda oo kala jooga dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Dhammaan xubnaha U.I. Silgor waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhammaanba eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyootay marxuumadda, waxayna ayagoo aad uga tiiraanyeysan geerida naxdinta leh ee marxuumadda leeyihiin Ilaahey jannadii Fardowsa haka waraabiyo, carruurteeda, walaalaheed iyo dhammaanba eheladeedina sabar iyo iimaan Alle haka siiyo. AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN

Add New Comment