Dagaalladii magaalada Muqdisho oo galay maalintii 8-aad


Dagaalladii magaalada Muqdisho ee u dhexeeyey ciidamada Dowladda KMG, Ahlu Sunna iyo AMISOM  oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam oo dhinaca kale ah ayaa galay maalintii 8-aad, waxayna dagaalladu maanta ka soconayeen qaybaha waqooyi ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Boondheere iyo Shingaani.

Dagaalkan u dambeeyey ayaa waxa uu billowday kaddib markii ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay maanta barqanimadii weerar ku qaadeen goobaha ay Xarakatul Shabaab ka fadhiyaan degmooyinka Boondheere iyo Shingaani.

Sidoo kale waxa uu dagaal qaraar maanta ka dhacay degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag halkaasoo ay ciidamada AMISOM ku garaacayaan madaafiic aad u culus oo ku hoobanaya degaanno ka baxsan goobaha laysku hor fadhiyo ee labadaasi degmo.

Dhanka kale Afhayeenka Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin Sheekh Cabdiraxmaan Abu Muscab ayaa sheegay in dhankoodu ay guulo ka gareen dagaallada maalintii 8-aad ka sii soconaya magaalada Muqdisho, asagoona intaas raaciyey in Xarakatul Shabaab ay la wareegtay fariisimo dhowr ah oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.



Add New Comment